Doorasho iyo xisbiyada siyasaasiga
Nuura hadda ayay 18 jirsatey oo way codayn kartaa.
Ma hubtose xisbiga iyada ku habboon.
Waxaa jira xisbiyo siyaasadeed oo kala duwan.
Si ay u hesho mid ay u codayso, waa inay Nuura akhridaa barnaamijyada xisbiyada.
Barnaamijyada xisbiyadu waa warbixinno kooban oo tusaya waxa xisbiyada ay la tahay, waxay samayn doonaan iyo siday u samaynayaan.
Intaas waxa dheer Nuura waxay la soconaysaa wargeysyada iyo TV yada waqtiga doorashada ka hor. Halkan waxa ku kulmaya hoggaamiyayaasha xisbiyada oo ka doodaya arrimo siyaasadeed oo muhiim ah. Xisbi kastaa wuxuu isku deyayaa inuu ka dhaadhiciyo bulshada inay u codeeyaan.
Labadii sano marbaa doorasho la qabtaa Noorwey, waxaana jira doorashooyin kala duwan. Labadii doorashaba mid baa doorasho baarlamaan ah, midna waa doorasho degmo (lokalvalg).
Qof kastaa oo dhalasha Noorwey haysta oo 18 jir ka weyn ayaa doorashada Baarlamaanka ka qayb qaadan kara, doorashada degmada ah waxa ka qayb qaadan kara qof kasta oo deggan Noorwey ugu yaraan 3 sano.
Doorashada Baarlamaanka waxa loo codeeyaa xisbiga xubnaha baarlamaanka ee uga badan helaya.
Xisbiyada codadka ugu badan hela ayaa xukuumad soo dhisaya oo ku heshiinaya raysal wasaare qofka noqonaya.
Baarlamaanka iyo xukuumadda ayaa maamula arrimaha waddanka u muhiimka ah
Arrimaha Nuura ugu muhiimsan waa in laga dhiso waddo bishkileeti (baaskiil) meesha ay deggan tahay. Arrimaha gaar u khuseeya meesha aad deggan tahay xukumadda iyo Baarlamaanka kama shaqeeyaan.
Sidaa daraadeed ayaa Noorwey u leedahay dimoqraadiyad degmada (lokal). Siyaasiyiinta degmada ah ayaa xiriir dhow la leh dadka degaanka oo dhegaysan kara oo siyaasad ku habboon waxa dadku u baahan yahay samayn kara.
Noorwey waxay u qaybsan tahay 19 gobol, gobolkastana waxa uu u sii qaybsamaa degmooyin yaryar iyo waaweyn..
Doorashada degmada waxa lagu doorta maamulka degmada iyo gobolka
Maamulka gobolku wuxuu maamulaya gobolka oo dhan oo uu caawinayaa degmooyinka siday u wada shaqayn lahaayeen. Gobolka wuxuu masuul ka yahay dugsiyada sare, matxafyada iyo daryeelka caafimaadka ilkaha ee dadka gobolkaas deggan
Golaha degmada ayaa xukuma degmooyinka. Xisbiyada hela codadka ugu badan ayaa boos ka hela golayaasha degmooyinka. Gole kasta oo degmo waxa hoggaamiya guddoomiye degmo.
Degmadu waxay masuul ka tahay dugsiyada, guryaha waayeelka, daryeelka bulshada, xadaanadaha iyo waddooyinka.
Maamulka degmada ayaa go’ aamiya in waddooyin baaskiil la dhiso iyo in kale, sida ay rabtay Nuura
Nuura waxay ogaatay xisbiga ku dadaalaya dhisidda waddooyinka bishkileetiga oo ayna u codaysay doorashada degmada. Haddii xisbigani helo codad ku filan waxay ka dhisayaan degmada waddooyinka baaskiilkaMaamulka degmada ayaa go’ aamiya in waddooyin baaskiil la dhiso iyo in kale, sida ay rabtay Nuura