Xukuumad
Xukuumaddu waxay ka mas’uul tahay in la fuliyo wixii barlamaanku soo go’ aamiyey. Xukuumaddu waxay ka kooban tahay wasiirro iyo raysal wasaare.
Raysal wasaaraha ayaa xukuumadda hoggaamiya.
Waxa jira ilaa 20 wasiir..
Wasiir kastaana wuxuu ka madax ka yahay wasaarad, halkaas oo ay ka shaqeeyaan dad badani
Wasaaraduhu waxay ka masuul yihiin siyaasadaha dowladda, tusaale ahaan, siyaasadda maaliyadda, tan waxbarashada iyo tan beeraha.
Dadka ka shaqeeya wasaaradahu ma aha qaar la soo doortay, laakiin waa khubaro ku takhasusay cilmi gaar ah, oo talo ka siiya wasiirka waxa ugu fiican ee la samayn karo.
Haddii baarlamaanku go’ aamiyey in ardaydu bartaan xisaab badan, wasiirka waxbarashada ayaa ka masuul ah in la hirgeliyo iyo sida loo sameeynayo. Dadka kale ee ka shaqeeya wasaaradduna waxay wasiirka ka kaalmaynayaan in la fuliyo.
Xukuumaddu waxay soo jeedisaa fikrado badan oo markaa barlamaanku u codeeyo. Waxay soo jeedisaa sharciyo cusub ama kuwii hore in wax laga beddelo. Intaas waxa dheer in xukuumaddu soo bandhigto miisaaniyadda dowladda sannad kasta. Wasiir kastaa waxuu soo jeedinayaa meelaha ugu habboon in wax laga qabto iyo sida ugu fiican ee lacagta loo isticmaali karo.
Xukuumaddu waxay xukuntaa afar sano markiiba. Ka dib doorashada baarlamaanka ayaa hal xisbi ama xisbiyo badan ee helay codadka ugu badan ay soo dhisaan xukuumad.
Mararka qaar hal xisbi ayaa codad ku filan hela oo keligii soo dhisa xukuumad, laakiin sida badan xisbiyo badan baa ka wada shaqeeya siday xukuumad u soo dhisi lahaayeen. Tan waxa la yiraahdaa xukuumad wadaag ah (koalisjonsregjering).
Si loo hubiyo in xukuumaddu samaynayso waxa dadku rabaan, waxa jira sharci oranaya in xukuumaddu tageero ka haysato baarlamaanka.
Haddii xubnaha ugu badan ee baarlamaanku ay khilaafaan waxa xukuumaddu samaynayo, waxay ku qasbi karaan xukuumadda inay is casisho. Markaa waa in xisbiyadu dib u wada hadlaan oo soo dhisaan xukuumad cusub.