Boqortooyada Noorwey
Nooreey waa boqortooyo. Tan waxa looga jeeda Noorwey waxay leedahay boqor ama boqorad waddanka u madax ah.
Noorweey waxay leedahay boqor. Boqorka waxa la yiraahdaa Haarald kii 5aad
wuxuuna qabaa boqoradda Soonya. Waxay leeyihiin laba carruura,
Amiiradda Maarta Luwiis
iyo amiirka dhaxal sugaha ah Hookon Magnus
Amiirka dhaxal sugaha ah ayaa dhaxli doona boqornimada aabbihii ka dib.
Gabartiisa, amiiradda Ingiriid Alegsandara waxay noqon doontaa boqorad Hookon Magnus ka dib maadaama ay tahay ilmihiisa ugu weyn..
Berigii hore boqortooyada waxa dhaxli jirey wiilasha keliya. Sidan bay ahayd markii Maarta Luwiis iyo Hookon Magnus dhasheen, oo sidaas darteed ayaa Hookon Magnus u dhaxlay boqortooyada inkasta uu isagu ka yar yahay walaashiis.
Haddase sharcigii waa la beddeley, oo sidaas darteed Ingiriid Alegsandara ayaa boqorad noqonaysa
Boqorka Noorwey awood siyaasadeed ma leh inkasta oo uu isagu yahay madaxa dowladda Noorwey. Tan macnaheedu waa boqorku siyaasadda ma soo faragelin karo.
Laakiin boqorku wuxuu leeyahay doorar sumad ahaana. Jimce kasta wuxuu qasriga kula kulmaa xukuumadda, halkaas oo ay wargeliso boqorka siyaasadda Noorwey. Shirarkan waxa la dhahaa golaha wasiirada (statsråd). Intaa waxa dheer in boqorku furo Baarlamaanka (Stortinget) sannad kasta.
Qoyska boqortooyadu wuxuu matalaa dalka Noorwey. Wuxuu casuumaa marti muhiim ah ee ka socota waddamo kale
waxayna u safraan dibedda oo ka sheekeeyaan Noorwey.
Muwaadiniinta Noorweejiga ee wax fiican u qabta dadka ama dalka waxay bilado ka helaan boqorka, waxaa tan loo arkaa inay sharaf weyn tahay.
Dalal badan oo adduunka ka mid ah ayaan lahayn qoys boqortooyo. Badanka waxay dalalkani leeyihiin madaxweyne. Nidaamka noocan oo kale waxa la yiraahdaa jamhuuriyad.