Xuquuqda insaanka
Meel kasta oo aad kaga dhalatay adduunka cidina kaama qiimo badna, waxaadna xaq u leedahay in si wanaagsan laguula dhaqmo. Tani waxay ku qoran tahay qaraarka xaquuqda insaanka.
Qaramada Midoobay ayaa qoray qaraarka xuquuqda insaanka. QM waxay u taagan tahay Qaramada Midoobay, waana urur ka shaqeeya sidii nabad adduunka uga jiri lahayd.
Dalalka madax bannaan ee adduunka oo dhami xubin bay ka yihiin QM oo waxay kuwada dhawaaqeen inay fulinayaan xuquuqda insaanka
Xuquuqda insaanku waa 30 xeer oo ka hadlaya xaquuqda qof kastaa leeyahay. Kuwa ugu muhiimsani waa kuwan:
-Dadka oo dhami waxay dhashaan iyagoo xor ah oo isku xuquuq ah
-Qofna lama xiri karo sabab la’aan
Qofna lama jir dili karo si kalena wax looma yeeli karo
– Qof kastaa siday la tahay buu oran karaa
– Qof kasta xaq buu u leeyahay inuu u safro oo ka safro dalkiisa
Qof kastaa xaq buu u leeyahay qofkuu guursanayo
Qof kastaa xaq buu u leeyahay meel uu ku noolaado, cunto iyo dhar, iyo kaalmo hadduu jirado
– Qof kastaa xaq buu u leeyahay inuu dugsi aado
-Qofna laguma takoori karo jinsigiisa, midabkiisa ama diintiisa
Inkasta oo xubnaha Qaramada Midoobay sheegeen inay raacayaan xeerarka xuquuqda insaanka, waxaa maalin kasta dhacda in la jebiyo xuquuqda insaanka.
Dalal badan baan carruurta oo dhan dugsi u dirin. Dad badan baan dalkooda geli karin ama ka bixi karin, qaar baa jirdil lagu sameeyaa ama xabsi la dhigaa sabab la’aan.
Qaramada Midoobay waxay faragelin karaan haddii waddan xuquuqda insaanka jebiyo. Qaramada Midoobay waxay u soo diri karaan ciidan milateri si loo joojiyo waxa dhacaya. Laakiin sharciyo adag baa ka jira marka Qaramada Midoobay waddan faragelin karaan.
Waa in marka hore la isku dayaa in siyaalo kale in loo xaliyo arrinta. Intaas waxa dheer waa in waddamada adduunka u waaweyni isku waafaqsan yihiin in Qaramada Midoobay ay tallaabo qaadaan
Qaramada Midoobay waxay aad u tixgelisaa in waddan kastaa is maamulo. Laakiin haddii khatar badani jirto Qaramada Midoobay waxay gees ka martaa tixgelintan si ay u caawiso dadka caawimaadda u baahan,