Iskaashi caalami ah
Noorwey waxay leedahay sharciyadeeda u gaarka ah wayna is maamushaa.
Laakiinse waxay Noorwey wada shaqayn la leedahay dalal badan..
Wadashaqayntan Noorwey waxay ka faa’iidaa taageero iyo fursado, balse waa in Noorwey raacdaa xeerar
Mid ka mida kuwa ugu muhiimsan wada shaqayntan waa kan Yurub ee Midawga Yurub. Qiyaastii dalalka Yurub oo dhammi waxay xubin ka yihiin Midawga Yurub.
Midawgan waxa la aasaasay Dagaalkii Labaad ee adduunka ka dib si loo abuuro wadajir iyo saaxiibtinimo. Midawga Yurub wuxuu kale oo xubnaha u sahlaa iibka iyo gadashada alaabta.
Midawga Yurub wuxuu leeyahay dawlad, lacag la dhaho Yuuro iyo maxkamad u gaar ah. Intaas waxa dheer in Midawga Yurub u dejiyo sharciyo xubnaha.
Midowga Yurub wuxuu sameeyaa sharciyada ay ka mid yihiin kuwa dhaqaalaha, shaqada, socdaalka iyo bii’ada.
Noorweey xubin kama aha mIdawga Yurub. Waxa la sameeyey laba aftiyood oo ku saabsan xubinimada Noorwey, laakiin labada jeerba dadka intiisa badani waxay yiraahdeen maya.
Afti waa codayn ay sameeyaan dadka 18 ka weyn si ay u go’aamiyaan arrin waddanka muhiim u ah.
Noorweji badani waxay diideen Midawga Yurub sababtuna waa waxay rabaan in Noorwey samaysato sharciyadeeda iyo xeerarkeeda. Laakiinse waxa jira faa’iidooyin badan oo ay xubinimadu leedahay.
Si Noorwey u hesho faa’iidooyinka waxaan Midawga Yurub la galnay heshiis la dhaho heshiiska iskaashiga dhaqaale ee Yurub (EØS).
Waa heshiis u dhexeeya saddexdan dal ¬– Noorwey, Ayslaan iyo Leyktenisteyn – iyo Midowga Yurub.
Heshiiska iskaashiga dhaqaale ee Yurub (EØS) wuxuu u ogolanaaya dadka Noorwey inay u safraan, ka shaqeeyaan oo ay ka ganacsadaan Midawga Yurub si xor ah Laakiin Noorwey waa inay raacdaa sharciyada Midawga Yurub maadaama ay heshiiskan gashay
Urur kale oo muhiim ah oo Noorwey xubin ka tahay waa isbahaysiga NATO. NATO waa urur difaac. Xubnuhu waa dalal ku yaal Yurub iyo Waqooyiga Ameerika.
NATO waxa la aasaasay markii dagaalkii qaboobaa socday si xubnaha loo sugo nabadgelaydooda, xoriyaddooda iyo madaxbannaanidooda.
Xeerka ugu muhiimsan xeerarka NATO waa midka la dhaho qodobka 5 ee heshiiskooda. Xeerkani wuxuu sheegayaa in weerarka xubin NATO ka mida lagu qaado inuu yahay weerar dhammaan xubnaha lagu qaaday. Waxaa tan looga jeedaa haddii mid ka mida xubnaha NATO la weeraro, dalalka kale ayaa gurmad ciidan u soo diraya.
NATO waxa kale oo taakulo ka bixin kartaa qalaalasaha adduunka ka dhaca. Waxay NATO xubnaheedu u diri karaan ciidan nabadgelyada ilaaliya, ka hortaga khilaafaadka ama waxayba u diri karaan gargaar degdeg ah marka masiibo dabiici ahi dhacdo.