Dhaqamada kala duwan ee Noorwey
Ante iyo Ayna waa Saamiyiin. Saamigu waa dadka asalka ah ee Noorweey, waana dadkii ugu horreeyey ee yimi dhulkan.
Maanta Saamigu waa mid ka mid ah dhaqamada badan ee Noorwey. Dhaqan waa siyaalaha kala duwan ee loo hadlo, loo fekero, loo dhaqmo.
Dadka ka yimaada isku meel badanka waa isku dhaqan.
Marka dadku meel kale u guuraan dhaqankooda ayay la yimaadaan. In ka badan boqolkiiba toban dadka deggan Noorweey waa dad u soo guuray. Tan macnaheedu waa waxay ku dhasheen waddan kale oo qaraabadooda ayaa halkaa deggan.
Sidaas darteed waxa ka jira Noorwey dhaqamo kala duwan, oo waxaan Noorwey ugu yeernaa waddan dhaqamo badan.
Dadka u badan ee Noorwey u soo guuray waxay ka yimaadaan waddamada Yurub. Qaar badan waddamada Noorwey u dhow bay ka yimaadaa, tusaale ahaan Boolan, Litwaaniya iyo Iswiidhan.
Sababaha ugu badan ee ay dad uga yimaadaan dalkooda waa shaqo la’aan ama waxay la soo guuraan qoyskooda intiisa kale.
Kuwa kale sababta ay Noorwey u yimaadaan waa qaxootinimo ay dhulkooda ka soo qaxaan. Qaxootigu badanka waxay ka yimaadaan meelo aan Yurub ahayn, waxayna dalbadaan magangelyo.
Waxa tan looga jeedaa waxay rabaan inay halkan ku noolaadaan maadama waddankoodu aanu nabad ahayn, tusaale dagaal baa sabab u ah inay soo qaxaan.
Way adag tahay in la fahmo dhaqan kale. Waxay qaadataa waqti in lagu barto oo lala qabsado caadooyin, cunto iyo dhar kugu cusub.
Dalal badan tusaale waxa caadi ah in dumarku timahooda iyo jirkooda asturaan markay bannaanka joogaan.
Noorwey dumarku dhar kala geddisan bay ku lebbistaan. Waqtiga xagaaga waxay badanaa xirtaan dhar muujinaya gacmaha iyo lugaha.
Dalalka qaar waxa caadi ah in lays shumiyo marka la kulmo, halka Noorwey gacanta la isku salaamo. Noorweejigu waxay laabta-laabta u saaraan qoyskooda iyo asxaabta u dhow keliya.
Marka qof u guuro dal kale waa inuu bartaa dalkaas dhaqankiisa. Haddii kale waxa ku adkaanaysa inuu barto dadka oo shaqo helo.
Balse waxa iyana u muhiim ah dadka soo guuray dhaqankooda inay haystaan.
Badanka waxay samaystaan dhaqan isku dhaf ah oo ka samaysan dhaqankii ay la yimaadeen iyo kan ay u yimaadeen