Sharciyada Noorwey
Sannad kasta 17 ka Meey waxaan u dabbaal degnaa aasaaska dastuurka Noorwey. Maalintaas qof kastaa waa ka fasax shaqada iyo dugsiga.
Yar iyo weyn waxay ku lebbistaan dhar qurux badan oo ay la dabbaal degaan qoysaskooda iyo asxaabtooda.
Waddooyinka waxaa u socda saf carruurta oo heesa, oo ruxa calanka Noorweey.
Dastuurku waa sharciga ugu weyn sharciyada Noorweey. Wuxuu ka sarreeyaa sharciyada kale oo dhan, wuxuuna inoo sheegaa sida waddanka loo maamulayo.
Dastuurku 200 oo sano ayuu ka weyn yahay. Waxaa la ansixiyey oo la saxeexay 17 Meey 1814kii. Maalintan ayaa Noorwey madax banaanaatay oo sidaas daraadeed looguu dabbaal degaa 17 Meey sannad kasta
Waxyaalaha ugu muhiimsan ee ku qoran Dastuurka waxaa ka mid ah in Noorwey cidda maamulaysa ay soo dooraanayaan dadweynuhu.
Sidaas darteed qof kasta oo Noorweeji ah ee 18 ka weyn wuxuu dooran karaa cidda Baarlamaanka iyo dowladda ka mid noqonaysa.
Dastuurku wuxuu sheegayaa oo kale in dadka deggan Noorwey si fiican loola dhaqmo. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay garsoor haddii ay sharciga jebiyaan, oo qofna lama ogola in la jir dilo ama fal cunfiya loo geysto.
Waxa kale oo ku qoran in qof kastaa sheegi karo waxay la tahay oo uu aamini karo diinta uu rabo.
Dastuurka ka sokow Noorweey waxay leedahay sharciyo badan oo la ururiyey oo tilmaamaya waxa la oggol yahay iyo waxa aan la oggolayn.
Sharciyadan waxa lagu ururiyay buug weyn oo la yiraahda sharciyada Noorwey.
Xubnaha Baarlamaanka loo doortay ayaa dejiya sharciyada.
Waxa ka mida sharciyada tusaale ahaan in qof kasta oo Noorweji ahi la siiyo lacagta hawl-gabnimada marka uu duqoobo, in qof kastaa xaq u leeyahay inuu shaqada fasax ka helo iyo in maandooriyayaashu mamnuuc yihiin.
Nooc kasta oo gacan ka hadal ah waa mamnuuc Noorweey. Gacan ka hadal waxa looga jeedaa in aad qof wax u geysatid ama cabsi gelisid, jir ahaan iyo nafsad ahaan.
Tani waxay khusaysaa qoyska, dad saxiibada ah iyo kuwa isqaba, iyo waalidka iyo ubadka. Waa sharci darro inaad tuntid ama wax u geysatid ilmahaaga, oo waa sharci darro inaad ku qasabtid inay guursadaan iyaga oo aan rabin guur.
Qof kasta oo Noorwey yimaadaa waa inuu sharciga raaca Noorwey, xitaa haddii ay ka duwan yihiin sharciyada dalkaad ka timid.
Qofka jebiya sharciga waa la ganaaxayaa, ama adeeg bulsho ayaa loo dirayaa ama xabsi ayaa lagu ridayaa.