Doorar kala duwan
Qof kastaa wuxuu leeyahay astaamo isaga u gaar ah oo ka dhiga qof gaar ah. Waxaad leedahay fikrado, dareen iyo awoodo kaa dhiga qofkaad tahay. Tan waxaan ugu yeernaa huwiyaddaada (identitet).
Intaas waxaa dheer in dadka kugu wareegsani kaa filayaan qaabkaad u dhaqmaysid iyo waxaad samaynaysid. Markaa waxaan niraahnaa waxaad leedahay doorar kala duwan.
Tani waa Safiya. Waa gabar Muslimad ah oo deggan Noorweey. Safiya cid baa dhashay, cid bay saaxiibad u tahay, waa ardayad, waana ciyaartooy kubbadda cagta. Kuwani waa qaar ka mida Safiya doorarkeeda.
Maadama ay Safiya gabartooda tahay, waalidkeed waxay ka filayaan inay maqasho oo ay ixtiraamto. Maadama ay ardayad tahay waxaa laga rabaa inay xiisadda dhegaysato oo ay casharada samayso. Saaxiib ahaanna waa inay noqotaa qof farxaan ah oo talo yaqaana.
Qof kastaa wuxuu leeyahay doorar badan oo kala duwan, mararka qaarkoodna waxaa adkaanaysa in doorarka oo dhan hal mar la wada buuxiyo. Sababtuna waa doorarka oo mararka qaar iska hor imanaya.
Safiya saaxibadeed waxay rabaan inay xaflad u raacdo oo ciyaarto oo madadaalaysato. Laakiin waalidkeed waxay rabaan inay guriga joogto, oo ay ka fogaato wiilasha. Markaa way ku adkaanaysaa Safiya inay kala doorato. Saaxiibadeed iyo waalidkeed? Ma asxaabteeda bay xaflad u raacdaa oo waalidkeed ka xanaajisaa. Mise gurigay joogtaa oo asxaabteeda ka xanaajisaa?
Xaaladdan oo kale waxaan ugu yeernaa cadaadis-kulan.