Jacaylka iyo galmada
Jacayku waan in aad qof ka heshid. Sida badan qof kastaa qof buu jecel yahay. Waalidkaa, walaalahaa ama saxiibkaa ayaad jeclaan kartaa..
Waxa kale oo jira jacaylka roomaantiga oo qofku uu u hayo saaxiibkii/saaxiibaddii ama xaaskiisa/seygeeda
Aragtida laga qabo jacaylka roomantiga way kala duwan tahay Waxa tusaale ahaan lagu kala
duwan yahay sida ay labada is guursanayaa u kulmaan.
Waddamada qaar waalidiinta ayaa labada is guursanaya isu raadiya. Tan waxa la dhahaa guurka isu-doonka (arrangert).
Waalidka qaar ayaa ilmihiisa u raadinaya dhowr qof oo uu kala doorto, ka dibna ilmaha ayaa dooranaya midkood
Waddamo kale waalidka ayaa u dooraya ilmaha iyaga oo aan ilmaha lagala tashan. Inaad qof ku qasabtid qof kale inuu guursado waa sharci darro Noorwey. Laakiin waa sharci in ilmaha aad kala talisid haddii uu ilmuhu sidaa rabo
Noorwey waa caadi in qofku raadsado qofkuu guursanayo. Waxaa kale oo caadi ah in saaxiibad/saaxiib badan la yeesho intaadan guursan qofkaad rabto.
Badanka dadku iyaga oo aan isqabin bay wada noolaadaan. Tan waxa la dhahaa gashaan (samboer). Hal mid afartii gashaan ah isma guursadaan Noorweey, laakiin way wada noolaadaan oo carruur sidaa ku dhalaan.
Marka wiil iyo gabar is jeclaadaan waxaan niraahnaa waa caadi.
Laakiin waxa jira qof jeclaada qof la jinsi ah. Marka laba qof oo isku jinsi ahi is jeclaadaan waxaan niraahnaa khaniisnimo
Waddamada qaar khaniisnimadu waa sharci darro oo khaniisiintana waa la ciqaabayaa ama waaba la dilayaa haddii ay wada nool yihiin. Diimaha qaar waxay oranayaan khaniisnimadu waa khalad. Kiristiyaan iyo Muslimiin badan bey sidaas la tahay.
Noorway qofku qofkuu rabuu la noolaan karaa. Waa sharci darro in qof lagu takooro khaniisnimo, khaniisiintuna waxay isu guursan karaan sida nin iyo naag.
Galmadu waa qayb dabiici ah oo ka mid wada noolaashaha roomaantiga ah. Waa wax fiican oo u dhexeeya laba qof..
Laakiin xitaa haddii aad qof la nooshahay adiga ayaa go’aansanaya galmadaada. Tan macnaheedu waa adiga ayaa go’aanka iska leh inaad galmo samaynaysid iyo ciddaad la samaynaysid. Cid kale, ha ahaadaan waalid, sey ama saaxiib, ma leh go’aankaas.
Galmo aadan ogolayn waxa loogu yeeraa kufsi. Tani Noorway waa ka sharci darro waxaadna mudanaysaa ciqaab xabsi ah.
Lama ogola inaad qof kale taabatid ama salaaxdid haddii aanay kuu fasaxin sidaas. Haddii shaki kaaga jiro inaad qof taaban ama la baashaali kartid, waa inaad weydiisaa qofka