Nacayb indho la’
Markaan la kulano dad meel kale ka yimi, oo inaga dhaqan duwan, waxa adkaan karta sidaan ula dhaqmi lahayn.
Waxa laga yaabaa inay siday u hadlayaan, u lebisan yihiin oo ay u dhaqmayaan aynaan hore u arag.Dadka qaar baa u arka inay cabsi badan tahay in lala kulmo dad aanad aqoon ama fahmayn.
Waxa halkan ka soo baxa waxaan ugu yeerno nacayb indho la’ (fordommer). Nacayb indho la’ waa fikrada xun aan ka haysano dad kale oo inaga dhaqan, diin ama midab duwan. Markaan dad necebnahay si indho la’ waxaan ka aaminsan nahay fikrado xun dad aaynaan aqoon u lahayn.
Inkastoo argagixisadu tiro yar tahay haddana dad baa qaba Muslimiinta oo
Dadka qaar baa la kulma nacayb indho la’ oo badan. Tusaale ahaan sida Muslimiinta. Waxaan warka ka maqalnaa argagixiso Muslimiin ah oo diintooda adeegsanaya inay dad dilaan ama waxyeeleeyaan. Waxay yiraahdaan Ilaahay baa sidaas raba. Inkastoo argagixisadu tiro yar tahay haddana dad baa qaba Muslimiinta oo dhani waxay aaminsan yihiin waxa argagixisadu aaminsan yihiin.
Tani waxay keentaa in Muslimiin badan ayaa la kulmaan cabsi iyo fikrad xun oo laga haysto. Marka qof eedeeyo Muslimiinta oo dhan sababtuna tahay iyada oo in yari si xun u dhaqmayaan, qofkaasi wuxuu neceb yahay Muslimiinta nacayb indho la’
Cunsiriyaddu waa nooc ka mid nacaybka indhaha la’. Cunsiriyaddu waa in la aaminsan yahay in dadka qaar ka wanaagsan yihiin ama ka caqli badan yihiin dadka qaar, tusaale ahaan in dadka jirka cad ay ka xariifsan yihiin kuwa jirka madaw.
Cilmi-baarisyadu waxay tilmaamayaan inaan wax farqi ahi jirin Haddana adduunka dad baa maanta jira aaminsan in midabka jirka iyo timuhu ay door weyn leeyihiin.
Cunsiriyaddu waxa kale oo ay noqon kartaa in ay kula ahaato in dadka ka socda dhaqamada ama diimaha qaar ka qiime yar yihiin kuwa kale.
Marka dadka qaar la cunsuriyeeyo waxaan ugu yeerna takoorid qoomiyad (rasediskriminering). Markay tani dhacdo shaqsiyo ama qaar dadka ka mid ah ayaan heleyn fursado iyo xuquuq la mid ah inta dadka kale helaan.
Noorweey waa sharci darro in qof si dadka kale ka duwan loola dhaqmo haddii uu ka midab duwan yahay, laakiin nasiib darro tan maalin kasta waa dhacdaa.
Nacaybka indhaha la’ iyo cunsirinimadu waxay suulaan marka dadku isbartaan. Marka dhaqamo kala duwani kulmaan oo dad kala duwani waqti wada qaataan waxay baranayaan in farqiga u dhexeeyaa aannu u weyneyn sidey moodayeen.
Sidaas darteed waxaa muhiim ah in la barto dad kaa dhaqan duwan