» Qaybaha dalka » Soorlaande

Soorlaande

Soorlaande waa qaybta dalka ee ugu koonfureysa. Waana qaybta dalka ee ugu yar.

sorlandet

Halkan waxaad ku arkaysaa jasiiradaha qurxoon ee Soorlaande. Waxaan dhexjoognaa Kiristiyaansaan iyo Lillesaand

Qaybtan dalku waxay leedahay dabeecad xeebe. Waxay caan ku tahay in fasaxa xagaaga loo safro, sababtuna waa waxay leedahay kooxo jasiirado dhadhaab ah, jasiirado naqan iyo meello lagu dabbaasho. Dad badan baa halkan doonyo ku yimaada.

Sideeda kale dabeecaddu waxa ka kooban tahay dooxooyin, caws cufan, kuro iyo meello buuro ah.

Cimilada Soorlaande waa dhexdhexaad sannadka oo dhan.

Berrigii hore maraakiibta iyo kalluumaysiga ayaa ahaa waxsoosaar muhiim ah, balse hadda wershado iyo dalxiisba waxay noqdeen muhiim.

Ma ogtahay ….?

• Soorlaande in laba gobol ku yaalliin: Awstagder iyo Festagder (Aust- Agder og Vest-Agder).
• Soorlaande magaalada u weyn waa Kiristiyansaan Kristiansand.
• Magaalooyin badan oo koonfurta ku yaal waxa ay leeyihiin xaafado cidhiidhi ah iyo guryo cadcad.
• Lindeesnes (Lindesnes) tahay barta u koonfureysa Noorwey.
• Hofden (Hovden) waxa la yiraahdaa meel ciyaaraha xilliga qaboobga lagu ciyaaro.
• Seetesdaalen (Setesdalen) waxa ay caan ku tahay guryo da’ weyn, bunaadyo bilicsan iyo heesaha sida gaarka loogu luuqeeyo ee isteefka (stev).
• Beerta xayawaanka dyreparken ee caanka ah ee leh xarrunta Kardamoome (Kardemomme) iyo Kabtan Saabeeltan (Kaptein Sabeltann) waxa ay ku yaalliiin Kiristiyaansaan!

 

Baraf silbadka Hoofdhen

Nooc muusig Setesdal

Beerta xayawaanka