Dhaqan = Kultur: ereygu waxa u uka yimi Laatiin waxaana macnihiisu yahay ”beerid”, waxay tahay wax dadku abuureen. Dhaqan wuxuuu ka koobnaan karaa min beerfalasho ilaa farshaxan, wershado iyo habdhiska bulsho.
Bulsho = Samfunn: koox dad ah oo wax si uun u wadaaga
Mesobataamiya = Mesopotamia: dhulka u dhexeeya Dejla iyo Furaat.
Dejla = Tigris: webi Mesobataamiya ku yaal
Furaat = Eufrat: webi Mesobataamiya ku yaal
Sumeeriyiinta = Sumererne: dadkii degganaa Sumeer ee Mesobataamiya
Masar = Egypt: waddanka webiga Niilku ku dhammaado
Niilka = Nilen: webiga adduunka u dheer
Fatahaad = Oversvømmelse: webi inuu karkaarada jebsho
Daad = Flom: fatahaado waaweyn oo badanka khasaare weyn geysta
Kanaal = Kanal: webi dadku sameeyeen
Moosas = Diker/ voller: dhoobo iyo ciid dhulka laga qoday oo la tuuray si biyaha loo caabbiyo.
Biyo-xidheen = Demning: xayndaab (derbi ama wax la mida) oo biyaha ururiya.
Dhiiqo = Slam: dhoobo iyo ciid webiyada soo jiitaan
Fircoon = Farao: boqor iyo ilaah Masar
Ahraam = Pyramide: dhismayaal qaabka ahraamta u samaysan. Waxay Fircoonadu u adeegsan jireen ahraamta qabuuro.
Qabuuro = Gravkammer: qol ku yaal ahraamta oo maydka la dhigi jirey.
Kunifoom= Kileskrift: Fartii ugu horreysay ee Mesobatamiya.
Mumiyaa = Mumie: dad dhintay- ama jidhka xayawaan oo si fiican loo dhowray
Hiroqilifar = Hieroglyfer: Magaca fartii Masaaridii hore ee sawirrada ahayd.
Caw = Papyrus: Magaca xaashidii ayaa Masaaridii hore adeegsan jireen. Waxa laga samayn jireen cawsduur ka bixi jirey Masar
Abulhawl (Isfinikis) = Sfinxen: Dhisme caan ah oo ka hor dhisan Ahraamta waaweyn ee ku taal Giisa.
Waa madax bani’aadam oo ku yaal jidh libaax.
Arkiyoloji = Arkeolog: Cilmi baadhe siday dadku berigii hore u noolaayeen.