-Tiradee baan halkan ku qoraynaa? Buu weydiinayaa.
Dhammaan mar baa la wada odhanayaa: – waa kow oo taban!
-Taasi macnaheedu waa maxay? Ayuu barihii sii weydiinayaa.
-In ay ka yartahay eber, Andreas baa ku jawaabay.
-Haddii aan kugu iraahdo adiga, Lin, waxa aan ku siinay hal karoone oo taban, maxaan uga jeedaa? Barihii baa u yiri si khatalaad yari ku jirto.
-Taas macnaheedu waa in aad hal karoone igu leedahay, bay dhaqso ugu jawaabtay Lin.
-Goorma ayaan adeegsanaa tirooyin ka yar eber, ama abyoonayaal taban sida inta badan niraahno? barihii baa weydiiyey.
-Waxa aan adeegsadaa marka aan kalagoyn xisaabinayo, Alan baa yiri.
-Waxa ay ku yaalliin kulbeegga, baa Daniel yiri. – Tusaale ahaan – 3°C.