Markay ardaydii yimaadeen dugsiga maalinta xigtey tusahii weli wuu sudhnaa isaga oo ay ku yaalliin maalmihii ka dhinnaa dhalashada.
– Ma samayn karnaa sida Daniel soo jeediyey? ayaa Andreas weydiiyey. – Wuxuu yidhi maalmaha toddobaadyo baan ku beddelan karnaa si xisaabintu u fududaato.
– Laakiin waa inaan marka hore tirooyinka yaraynaa, baa Maria tidhi, – ilayn tirooyinka meesha ku yaallaa waa kuwii shalay e.
Waxay ku dhaqaaqeen inay tuse cusub sameeyaan, markay dhammeeyeenna tirooyinka oo dhammi waa ka yaryihiin kuwii hore.
– Haddii aan rabno inaan soo saarno toddobaadyo waa inaan u qaybinaa 7, Lin baa soo jeedisay.
– Laakiin haddii aanay u qaybsamaynna? Maria ayaa weydiisey.
– Haraagu waa inuu noqdaa maalmaha soo hadhay ee toddobaad buuxa ka yar, ayaa Andreas yidhi.
– 1 toddobaad iyo 5 maalmood baa dhalashadayda ka hadhay, baa Alan yidhi. – Waa fududahay in la xisaabiyo.
– Waxaan samayn karnaa joogtax oo aan jawaabaha ku qori karnaa, ayaa Daniel yidhi.
Tusahan baa u soo baxay
– Hadda waxaan idin siinayaa caqabad yar, ayaa macallinkii yidhi. – Waa garanaysaan taariikhda dhalashadiina. Waxaad raadinaysaan taariikhda dhalashada kuwa kale, idinkoo adeegsanaya tusaha
– Hal wax oo kale waa inaan ognahay, Selma ayaa tidhi. – Waa inaan ognahay taariikhdu waxay tahay maanta.
– Waxaa inoogu fudud inaan haysanno kalandar, ayaa Lin tidhi.
Waqti badan ma qaadan inay layliskan xalliyaan ardaydu.