Isku dhufasho = multiplikasjon – mid ka mid ah afarta xisaabfal, kuna lid ah qaybin (tusaale. 3 · 4 = 12)
Qaybin = divisjon – mid ka mida afarta xisaabfal, lidna ku ah isku dhufasho (tusaale. 12 : 3 = 4)
Xisaabfallo isku lid ah = motsatte regningsarter – xisaabfallada is buriya: Iskudhufasho iyo isuqaybin waa isku lid (tusaale. 3 · 4 = 12, 12 : 3 = 4). Isugeyn iyo kalagoyn waa isku lid (tusaale. 3 + 4 = 7, 7 – 4 = 3).
Dherer = lengde – ujeeddadu halkan waa: labada dhinac ee laydi
Joog = høyde – halkan ujeeddadu waa: dhinaca kale ee laydi
Mitir = meter: halbeegga dherer ee la wada ogolyahay
Sentimitir = centimeter: \(\frac{1}{100}\) mitir
Mitir labajibbaaran = kvadratmeter: halbeegga bedka oo u dhigma bedka labajibbaarane dhinacyadiisu yihiin hal mitir
Bed = areal: oogada bed
U duubid = runde av –tobnaadka ugu dhow: 1, 2, 3, 4 waa la tuurayaa. 5, 6, 7, 8, 9 waxay ku siinayayaan tobnaad dheeraad ah. Tusaalayaal: 23 ≈ 20, 38 ≈ 40, 54 ≈ 50, 15 ≈ 20
-Tirada ugu dhow ee buuxda iyo badhka mitir: Dhererka waxaa loo duubayaa mitirka ugu dhow ee buuxa ama badhkiis.
Qiyaas = overslag – xisaabinta iyada oo tirooyinka la fududaydinayo si loo helo jawaabta ugu dhow si sahlan