– Si fiican baad u shaqayseen! Ayaa macallinkii yiri. – Hadda waa inaad ogaataan imisa qasacadood oo rinjiya ayaan u baahannahay. Waxaan u baahannahay in rinjiga laba jeer lagu celiyo, taa waa inaad xisaabta ku dartaan.
– Waa inaan haysanaa labanlaab rinji ku filan 60 m2 , bay Maria tiri.
– Waxaan aqaan sidaan u xisaabin lahay,ayaa Daniel yiri. – Waxaan 60 u qaybin karnaa 12, qasacad kastaa waxaan ku rinjiyeyn karnaa 12 m2 oo derbiga ah.
Waxay sabuuradda ku qortay: 60 : 12 = 5.
– Markaa waxaan u baahan nahay 5 qasacadood, ayaa Selma tiri.
– Waa inaynu 10 qasacadood haysannaa si aan laba jeer u rinjiyeyno. Andreas baa dhaqso u xisaabaiyey.
– Si kale oo aan u xisaabin karno baan aqaan, bay Lin tiri. – Derbiyada ayaan laba ku dhufanaynaa, 120 m2 baa la rinjiyeeynayaa. Sidan bay markaa xisaabtu noqonaysaa. Jeesadii bay Daniel ka qaadanaysaa oo qoraysaa: 120 : 12 = 10.
– Xisaabtani aad bay u sahlan tahay, ayaa Alan yiri.
– Markasta oo 10 xisaabta ku jiro waa sahlantahay, bay la tahay Lin.
– Waxaan eegi karnaa imisa jeer baa 12 isku dari karnaa ilaa aan 60 ka helayno. Waase isla sidii, ayey la tahay Alan.
Macallinkii baa ka soo dhexgalay. – Sida aad sheegteen waa sax. Waxa la yidhaahdaa isuqaybin, tan kalena isku dhufasho. Waxaan ugu yeernaa xisaabfallo isku lid ah.
– 12 lagu dhuftay 5 waa 60, 60 loo qaybiyey 12 na waa 5, bay tiri Maria. – Waa wax fudud.
– 60 loo qaybiey 5 na waa 12, baa Alan yiri.
– Waxaan u baahannahay 10 qasacadood oo middiiba hal litir oo rinji jaallo ah ku jiro, macallinkii baa yiri. – Waxa jaban in la iibsado qasacadaha saddexda litir ah. Xisaabfalkee bay tahay in aan adeegsanno si aan u ogaano inta qasacadood ee aan u baahan naahay?
– Miyaanay ahayn in aan qaybin adeegsanno? ayay soo jeedisay Selma. – Waxaan u malaynayaa inaan 10 u qaybinno 3.
– Markaa waxaan helaynaa 3, baa Andreas yiri. – Haraaguna waa hal. Waxay noqonaysaa markaa saddex qasacadood oo saddex litir ah iyo mid hal litir ah.
Maria baa ka dhexgashay: – Waa inaynaan ilaawin qasacad hal litir oo rinji cagaar ah.
– Dhegaysta, baa macallinkii yiri. – Hadda waa ogtihiin inta qasacadood ee rinjiya ee aad u baahan tihiin. Berri waa in aad ogaataan qiimaha rinjiga.