» Isugeyn iyo kalagoyn » Ereyada muhiimka ah

Ereyada muhiimka ah

ordliste_illustrasjon

Afargeesle = firkant waa shaxan afar xarriiqood oo toosan ka samaysan.

Laydi = Rektangel waa shaxan leh afar xaglood oo qumman iyo afar dhinac oo labadii iska soo horjeedaa isle’eg yihiin.

Labajibbaarene = Kvadrat afargeesle leh afar xaglood oo qumman iyo afar dhinac oo isle’eg.

Barbaroole = parallellogram – afargeesle leh laba-laba xaglood oo isle’eg iyo laba-laba dhinac oo isle’eg oo barbarro ah.

Xarriiqo barbarro ah = parallellelinjer – waa xarriiqo aan weligood kulmayn haddii la dheereeyo.

Xaglo qumman = rette vinkler xaglo ah 90

Xaglo fiiqan = spisse vinkler waa xaglo ka yar 9o

Xaglo furan = stumpe vinkler waa xaglo ka weyn 90 kana yar 180

Wareeg = omkrets – dhererka shaxanka dhinaca bannaanka xiga (fogaanta shaxanka ku xeeran)

Seddexagal = trekant waa shaxan ka samaysan saddex xarriiqood oo toosan.

Saddexagal qumman = rettvinklet trekant- waa saddexagal leh hal xagal oo 90 ah

Seddexagal isle’eke (siman) = likesidet trekant waa seddexagal dhinacyadiisu isku dherer yihiin oo ay xaglihiisuna iswada le’eg yihiin, 60.

Saddexagal labaale = likebeint trekant waa saddexagal ay laba dhinac isle’eg yihiin oo laba xagloodna isle’eg yihiin.

Goobo = sirkel waa shaxan xudduntiisu ka fogtahay in isle’eg xarriiqda meeriska meelkasta oo mareegta ka mid ah.

Xarriiqdaa meeriska = sirkellinje waa goobada geeska bannaanka xiga.

Gacan= radius waa xudduntu inta ay u jirto xariiqda meeriska.

Dhexroor = diameter waa xarriiq dhexmarta xuddunta goobada oo ku dhammaata laba dhibcood oo xarriiqda meeriska ku yaal.

Nashqad = mønster shaxan si joogta u soo noqnoqanaya.

Wanqar = symmetri shaxannadu waa wanqar haddii ay jirto xarriiq toos ah, xarriiqda wanqarka, oo shaxanka u qaybinaysa laba qaybood oo isku bed iyo isku qaab ah.