Daniel waxa uu yiri sidaas ayaa ugu fiican, sababta oo ah dhaqso ayaan u ogaanaynaa inaan lacag inagu filan haysanno. Selma waxay la tahay inay duubis ku bilaabaan qiimayaasha oo dhan. Xoogaa bay ka kawada hadleen inay u duubaan koowaad ama tobnaad. Daniel waxay la tahay inay hubaal tahay haddii aan koowaad u duubno, laakiinse ay inoo fududahay in aan tobnaad u duubno.
– 11,10 kr waa 1 tobnaad, Lin baa tiri.
– 20,90 kr na waa 2 tobnaad, baa Alan yiri.
In la iibsado 300 gm oo hilib miisan baa ka jaban baakad 400 gm ah, ayaa Selma tiri iyada oo maskaxda ka xisaabisay.
– Haddii aan isugeynno tirooyinka oo dhan waxaan helaynaa 180 kr, ayaa Andreas yiri.
– Waxay ila tahay inaynaan haysan lacag inagu filan, bay Lin tiri. Ma hubto se.
– Si hubaal ah ma u xisaabinaa si aynu u hubsanno, ayaa Selma tiri.