Waxay ogyihiin in baakadda ugu yar ee burka ahi tahay 1 kg. Andreas waxay la tahay inay soo iibiyaan baakad hilib shiidan 400g, balse Alan waxay ugu muuqataa in ay hilib shiidan soo miistaan markaas intay u baahan yihiin bay iibsan karaan. Waxay isku waafaqeen in ay dukaanka gudihiisa ay ku xisaabayaan oo eegaan midka u jaban.
Waxay kale oo ay qoreen in inay soo iibsadaan baakad burcad shiidan iyo baakad suugada biisada.
Maria waxay ogtahay in guriga milix iyo basbaas u yaal.
Gebagebadii waxay qoreen in laba dhalo oo waaweyn oo kooko koolo iyo baakad afmaris ah soo iibsadaan.
Liiskii adeegga
Waxyaalaha loo baahanyahay iyaga oo ka shidaal qaadanaya ayay liistada adeegga sameeyeen.